Xogtaada iyo asturnaantaada

App-ka Cudurka COVID-19 ee NHS – Ilaalinta Asturnaantaada

App-ka cudurka COVID-19 ee NHS waa habka ugu dhakhsiyaha badan ee aad ku arki karto haddii aad halis ugu jirto cudurka fayraska korona.

Wuxuu leeyahay dhowr qaybood oo lagugu ilaalinayo, oo ay ku jiraan raadinta ama raadraaca xiriirka, digniinta degaanka, iyo koodha QR oo goobaha lagu galo. Intaan oo dhan ayuu sameeyaa isagoo gebi ahaanba sheegin magaca qofka.

Laakiin sidee?

App-ka uma baahna in uu oggaado qofka ama meesha uu qof kasta joogo. Wuxuu shaqeeyaa iyadoo koodhadh si ku nasiibso ah loo soosaaro la isdhaafsanayo adeegsadayaasha kale ee app-ka ee aad la xiriirto. Waxay app-ka u sheegayaan haddii aad qof u dhoweyd muddo ka badan 15 daqiiqo, adiga uu u jira masaafo ka yar 2 mitir.

Haddii qof uu goor dambe soo sheego natiijo baaris oo ah in cudurka laga helay ah, app-ka ayaa iyadoon magac la sheegin u diraya digniin qof kasta ee laga yaabo in uu halis ugu jira cudurka.

Koodhadhkan waa kuwo sir ah waxaanna la tirtiraa 14 maalmood ka-dib. Ma adeegsan karaan NHS, dowladda, ama qof kastoo kale si ay ugu aqoonsadaan cidda aad tahay ama cidda aad waqti la qaadatey.

Si uu app-ka kuugu digo haddii degaankaagu uu noqdo degaan halis badan, ayaa waxaad u baahan doontaa in aad bixiso dhowrka xuruufood ee ugu horreeya cinwaankaaga boostada.

Celcelis ahaan, digniintan ayaa gaareysa ku dhowaad 8,000 00 reer, sidaa daraadeed suuragal ma aha in shakhsi ahaan laguu aqoonsado.

Qaybta gelidda ee koodhka QR ayaa sidoo kale magac la’aan shaqeysa. Haddii lagaaga digo dillaaca cudurka oo suuragal ah, waxay sidaa sameysaa iyada oo aan la aqoonsanin goobta ama qof kasta oo meeshaasi joogay.

App-ka ayaa wuxuu ku shaqeeyaa barnaamij/software ay sameeyeen shirkadaha Apple iyo Google waxaanna dib-u-eegis buuxda ku sameeyay khubbaradooda asturnaanta. Waxaad waqti kasta tirtiri kartaa xogtaada, ama app-kaba.

App-ka dabagal kuma sameyn karo meesha aad joogto, kuma korjoogteyn karo haddii aad isa-soocayso, ama ma heli karo macluumaadkaaga shakhsiyeed ee ku jira telefoonkaaga, sida farriimaha ama dadka aan la xiriirto.

Waxa uu sameyn karo, haddii aad soo dejiso oo aad Bluetooth-ka shido, waa in uu si degdeg ah kuugu sheego haddii aad halis ugu jirto fayraska.

Sababta oo ah sida ugu dhaqsiyaha badan ee aad u oggaato, waa sida u degdegsan ee aad ugu digi karto una ilaalin karto dadka kale.

App-ka Cudurka COVID-19 ee NHS.

Maanta soo degso.